Ereyga Maanta: gusoore
doobgiris ld doobgaras.
doobgoray ld doobbogoray.
doobguun Nin doobnimo ku gaboobey.
doobi (1) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. ld doobke, doobte, toobke, toobte.
doobi (2) ld doobbi².
doobir Ayaan; nasiib.
doobke ld doobi¹.
doobshiid Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. ld doobbashiid.
doobte ld doobi¹.
dooc War sugan.
doocdooci ld dooci.
doocdoocin ld doocin.
dooci Wax sugan ka raadin (qof). ld doocdooci.
doocin eeg dooci. ld doocdoocin.
dood D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.
dood (1) Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.
dood (2) 1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
dood (3) Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.
dood-cilmiyeed Shir ay isugu yimaadaan aqoonyahanno oo lagu soo bandhigo afkaar cusub.
doodaa Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. ld doode.
dooddi (1) 1. Orod xoog leh. 2. ld dooddiyid.
dooddi (2) Si xoog leh u ordid; digdigleyn.
dooddiyid eeg dooddi². ld doodi¹ (2).
doode ld doodaa.
doodid eeg dood³. ld doodis.
doodis ld doodid.
doofaar Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. ld doonfaar.
doofaarad Haweenay aad u akhlaaq xun. ld doonfaarad.
doofaarnimo 1. Doofaar ahaansho. 2. Qof aad u dabci xun ahaansho. ld doonfaarnimo.
doofil D. ah: timo isdhax yaacsan oo aan muddo la shanlayn.
<< < 460 461 462 463 464 465 466 467 468 469 470 > >>