Ereyga Maanta: tartabo
duddun Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. ld duddumo, dundumo, dundun³.
dudduub Qof, garbaduub u qabasho.
dudduubid eeg dudduub.
dudi ld didi.
dudid eeg dud². ld dudis.
dudid (1) ld didid.
dudin ld didin.
dudis (1) Neef irmaan caalsaar samayn.
dudis (2) Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
dudmo ld didmo.
dudmo (2) Caro lagu muujiyo fooltub iyo aftuur.
dudsan Wax caraysan ahaansho (qof).
dudsan (1) ld didsan.
dudsanaan eeg dudsan. ld dudsanaansho.
dudsanaan (1) ld didsanaan.
dudsanaansho ld dudsanaan.
dudsasho ld didsasho.
dudso ld didso.
duf 1. D. ah: wax rifan, wax calal ah. 2. D. ah: dulli. 3. D. iyo dooriso!: hoog!; ba'!.
duf (1) 1. Dhogor badan oo is-haysata. 2. Wax dhogor leh. 3. Mayrax la jilciyey oo la feeray. 4. Shukumaan.
dufan Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.
dufandawaco Cunno yar oo aan laga dhergin.
dufandhawr Maro ama wax kale oo la gashado si dufanka iwm laysaga ilaaliyo.
dufantirad ld dufantirasho.
dufantirasho eeg dufantiro. ld dufantirad, dufantiryo (1).
dufantire Cad maro ah oo afka iyo faraha la isaga tiro cunnada ka dib.
dufantiro Dufan iska tirid (qof).
dufantiryo 1. ld dufantirasho. Tiridda dufan layska tiro. 2. Dufandawaco.
dufayn eeg dufee.
dufaysan Wax la dufeeyey ahaansho.
<< < 470 471 472 473 474 475 476 477 478 479 480 > >>