Ereyga Maanta: sibirayn
khudbasireyso Si qarsoodi ah haweenay u mehersasho.
khudbee Khudbad jeedin.
khudbeyn eeg khudbee.
khudbo ld khudbad.
khudrad Dhir yaryar oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cuno, cuntadana ku darsado. ld khudaar.
khulafaa eeg khaliif.
khulcid eeg khuluc².
khuluc (1) Shuruudda lagu xidho haweenay haddii ay rabto in la furo.
khuluc (2) Is kh.: haweeney furitaan rabta shuruud ku xirid.
khumkhum Walax udgoon oo haweenku shitaan.
khuraafaad Waxyaabo aan jirin oo la rumaysto; sanan.
khurraad Hadal aan macno lahayn.
khusayn eeg khusee.
khusee Arrin iwm ku lug lahaan.
khushi Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
khushiye Kh. ah: qof qalaase ama fawdo abuure ah.
khushuuc (1) ld khashuuc¹.
khushuuc (2) ld kha-shuuc².
khushuucid ld khashuucid.
khushuucsan ld khashuucsan.
khushuucsanaan ld khashuucsanaan.
khushuucsanaansho ld khashuuc-sanaan.
khusuusi 1. Lataliyeyaashii Sayidka mid ka mid ah. 2. Wax gaar ama khaas ah. ld qusuusi.
khuuri (1) (khuuri, m.dh) Geed-gaab leh caleemo yaryar, xabag iyo qoryo udgoon oo guryaha loo shito.
khuuri (2) Khuuro sameyn.
khuurin eeg khuri². ld khuuris.
khuuris ld khuurin.
khuuro Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.
ki ld kiisa².
kibilli Fiidmeer. ld kobolli.
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>