dulyaro ld dulyaraan.
dulyeelad ld dulyeelasho.
dulyeelasho eeg dulyeelo. ld dulyeelad.
dulyeelo Sabir iyo dulqaad ku sifoobid (qof).
dumaa Caws gaboobay.
dumaal (1) 1. Naag laga dhintay oo nin qaraabo la ahaa ninkeedi hore guursado. 2. Roob yar; shuux.
dumaal (2) Naag nin qaraabo ahi ka dhintay guursasho.
dumaalid eeg dumaal². ld dumaalis.
dumaalis ld dumaalid.
dumaashi (1) Nin naagta uu qabo walaasheed wax uu u yahay.
dumaashi (2) Qof dumar ah, waxa ay u tahay ninka walaasheed qaba.
duman (1) Isu d.: wax isu ururay noqosho (dad ama xoolo).
duman (2) Wax la isu ururiyay ahaansho (dad ama xoolo).
dumar Dadka intiisa dheddig.
dumarnimo Dumar ahaansho.
dumayn eeg dumee. ld dumays.
dumays ld dumayn.
dumbul Baali; areebo.
dumbulukh ld dubuq.
dumbuluq ld dubuq.
dumbuq ld buntuq.
dumee Maro dun ku dul tolid si loogu qurxiyo.
dumi 1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.
dumid eeg dun². ld dumis² (*).
dumid (1) eeg dun². ld dumis.
dumin eeg dumi. ld dumis¹.
dumis ld dumid.
dumis (1) ld dumin.
dumis (2) ld dumid.
dummad 1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
<< < 478 479 480 481 482 483 484 485 486 487 488 > >>