batiiq ld batiikh.
batoojin (daaw.) eeg noole jirro dhaliye.
batraamid eeg batraan².
batraan (1) Kibir badan; islaweyni.
batraan (2) Kibraan noqosho.
batraannimo Kibir.
batrool 1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.
batuux ld bataax.
bawaasiir (daaw.) Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa waxa keena calool joogsi muddo dheer socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir, baawasiir.
bawhaar Qaylo dheer.
bawis (1) ld bawisid.
bawis (2) Wax sida turub shaandheyn.
bawisid eeg bawis². ld bawis¹.
bawlad Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. ld bawlo.
bawlo ld bawlad.
bawne Nafley bakaylaha u eg, kase yar, qararka buuraha ku nool oo orod bootimaaleyn ah leh; dabariyaadle.
bax 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
baxaalli Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay.
baxaar Nin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay in uu xukumo yaxaasyada.
baxar 1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.
baxarsaaf (bot.) Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. ld baahirsaaf.
baxdow Faras aad u dheereya oo aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan. ld baxdoy.
baxdownnimo Baxdow ahaansho (faras). ld baxdoynnimo.
baxdoy ld baxdow.
baxdoynnimo ld baxdownnimo.
baxnaan Dabeecad.
baxnaani 1. Wax sida ay ku dambeynayaan ka dhursugid. 2. Ilaalin (qof bukan, xoolo, xaalad iwm).
baxnaanin eeg baxnaani. ld baxnaanis, baxnaano.
baxnaanis ld baxnaanin.
baxnaano Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. ld baxnaanin.
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>