Ereyga Maanta: calman
shabbi Cusbolamood adag, cad oo biyaha calawsan lagu dhex rido si ay u kala miirmaan.
shabbihid ld shaabbihid.
shabbo ld shaabbad.
shabeel 1. Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale, leh midab cawl ah oo baro baro madow ku dhex jiraan, dhulka dhirtu ku badantahayna jooga oo geedaha fuula; xoolaha iyo ugaartana aad u laaya, dadkana cuna. 2. Libaax badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.
shabi 1. Wax eryid. 2. Lacag iwm ururin. 3. Geed iwm ul ku garaacid si wax ku jira uga baxaan ama miro uga daataan.
shabin eeg shabi.
shabshable 1. Geed-nagaar leh caleemo iyo ubax yaryar, aan qodax lahayn oo wax lagu daaweeyo. 2. Hab ceel biyo looga soo saaro oo laba nin si dhaqso badan wadaanta u soo bixiyaan. 3. Cayaar kuwa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah oo leh jiib iyo jaan, ragga iyo dumarkuna wada dheelaan.
shacaab (jool.) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
shacaab-dhaliye (c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.
shacaab-taxan (c.nafl.) Silsilad dhadhaabeed oo jiifta badda ama badda agteeda, oo badanaa ka samaysan shacaabi dhaliye aad u tiro badan.
shacab (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. ld shacbi, shicib.
shacayn eeg shacee. ld shacays.
shacays (1) 1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. ld shucays.
shacays (2) ld shacayn.
shacbaan Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
shacbi ld shacab.
shacbiweyne Dadweyne.
shacdur Cayaar carruureed carruurtu miro kariiri ay ku dhaqaystaan oo ulo af dhuuban leh.
shacee Ood qoyan oo wax lagu oodayo si ayan daldalool u yeelan, isuguna cufanto hangool ku riixid.
shactirayn ld shaacirayn.
shactiree ld shaaciree.
shactiro ld shaaciro.
shactiroole ld shaaciroole.
shad (1) Astaanta muujisa in shibbanuhu uu labalaabanyahay (far-carbeedda).
shad (2) (fiis.) Xoogga saaran halkii halbeeg ee bedka walax, sababana in ay walaxdu qaab doorsoonto.
shadaaf 1. Galka timirta lagu guro. 2. Gogol yar iwm oo qof leeyahay.
shadni ld shidni.
shaf (1) 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf (2) Geedo iwm jarid.
shafee Dhaawac daaweyn.
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>