Ereyga Maanta: ebyan
shamuumid eeg shammum.
shamuumsan Nafley meel ku xoonsan ahaansho.
shamuumsanaan eeg shamuumsan. ld shamuumsanaansho.
shamuumsanaansho ld shamuum-sanaan.
shamuurey Nooc meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.
shan 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
shanaad Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
shanaq Cid deldelid.
shanayn eeg shanee.
shanbal (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
shanboogsiis Geednagaar aan qodax lahayn oo caleemo yaryar oo teel teel ah leh iyo ur biir ah, dhirta daawadana ka mid ah.
shanboolo Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.
shandad Santuukh ka samaysan harag, safiito iwm leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
shanee 1. Tiro afar ah shan ka dhigid. 2. Ka sh.: cid ka guul helid.
shanfarood Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
shangeesle Shaxan shan gees leh.
shangoyo Ciyaar dhaqameed laga yaqaan gobolka Jigjiga.
shaniin Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
shanlayn eeg shanlee.
shanlaysasho eeg shanlayso.
shanlayso Timo shanlo ku feerasho.
shanle 1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
shanlee Timo iwm shanlo ku feerid.
shanley 1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.
shanlo Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
shanqar (1) ld sanqar¹.
shanqar (2) ld sanqar².
shanqari ld sanqari.
shanqarid ld sanqarid.
shanqarin ld sanqarin.
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>