koroomiyam (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.
koror1 Inta, wax ku darsanta. koror2 (kiim.) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar. koror3 1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid. kororsad ld kororsasho.
kororsasho eeg kororso. ld kororsad, kororsi.
kororsiimo Waxa ku siyaada wax horay u jiray
kororso Wax kororsiimo ku darsasho.
korow Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
korran Wax la koriyey ahaansho.
korranaan eeg korran. ld korra-naansho.
korranaansho ld korranaan.
korrayn eeg korree.
korree Meel sare ku sugnaan.
korriimo ld korniimo.
korriin ld korniimo.
korsaar1 1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow. korsaar2 1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq. korsaar3 1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iwm faa'iido saarid. korsaaran Wax, wax kale dushiisa yaalla ahaansho.
korsaarid eeg korsaar².
korsaarnaan eeg korsaaran. ld kor-saarnaansho.
korsaarnaansho ld korsaarnaan.
korsad ld korsasho.
korsasho eeg korso. ld korsad.
korshirix 1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.
korsii Cid meel sare fuulin.
korsiin eeg korsii.
korso Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto.
korsocod 1. Faa'iidada laga helo ganacsiga. 2. Lacag laysku dhigto marka turub la cayaarayo oo bannaanka ka ah wixii lagu ciyaarayey. 3. Dad dhex-dhexaadiya laba qolo oo dagaashan.
page : 62 of 73
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>