guux (2) 1. Cod weyn sameyn (awr, goray iwm). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid.
guuxaweyn Qoorta geela inteeda hoose.
guuxid eeg guux². ld guux¹ (4).
guuxo Cune; doobbo.
guuyo 1. Maal, xoolo. 2. Nooc sagaarada ka mid ah. 3. Nafley gaaban oo tabar yar. ld guunyo.
guwaaniin (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
guxud ld goxod.
guxuuman ld gamuuxan.
guxuumid ld gamuuxid.
guxuumnaan ld gamuuxanaan.
guxuumnaansho ld gamuuxnaan.
guxuun (1) ld gamuux¹.
guxuun (2) ld gamuux².
guxuushaa Nin aad u da'weyn.
h (ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.
ha Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.
ha'ahaatee ld hayeeshee.
haa ld haah.
haabad ld haabasho.
haabasho eeg haabo. ld haabad.
haabo Wax in yar durugsan gacan ku laacid.
haaco Qof aad u garaad yar; qof macangag ah.
haacoonimo Haaco ahaansho (qof).
haad Baylah, goldaloolo.
haad (1) 1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
haad (2) Nafleyda inta duusha oo baalka leh.
haad (3) 1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.
haad-haad (1) Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
haad-haad (2) Fudfudayd muujin.
haad-haadid eeg haad-haad².
<< < 673 674 675 676 677 678 679 680 681 682 683 > >>