Ereyga Maanta: gedmo
qorijiid (1) ld qoriqaad¹.
qorijiid (2) ld qoriqaad².
qorijiidid ld qoriqaadid.
qorimo Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
qoriqaad (1) Neef loo qalo dad xabaal ka hawl galay. ld qorijiid¹.
qoriqaad (2) Dad xabaal ka hawlgalay neef u qalid. ld qorijiid².
qoriqaadid eeg qoriqaad². ld qorijiidid.
qoririd Qorituur.
qoriridasho eeg qorirido.
qorirido Qoririd wax ku qeybsasho.
qoris ld qorid.
qorisaar (1) 1. Dedidda dhis iwm lagu dedo qoryo, alwaax iwm. 2. Saaridda la saaro daydka, xabaasha, ood, qori iwm. ld qorisaarid.
qorisaar (2) 1. Dhismo iwm qori ku dedid. 2. Xabaal, ood, qori iwm ah saarid.
qorisaarid eeg qorisaar². ld qorisaar¹.
qorisla'aan Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.
qoritaan ld qorid.
qorituraad ld qorituurasho.
qorituur (1) 1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
qorituur (2) U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba.
qorituurad ld qorituurasho.
qorituurasho eeg qorituuro. ld qorituurad.
qorituurid eeg qorituur².
qorituuro Qorituur ka qayb qaadasho (qof).
qorixarar 1. Mindi yar oo wax lagu xardho. 2. ld qorixardhe. (-ryo, m.dh) Qof wax xardha.
qorixardhe ld qorixarar.
qormayn eeg qormee.
qormee Reer si qorsho leh u dejin.
qormid eeg qoran¹.
qormo 1. Habka geedaha, dhagxaanta iwm looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (-ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
qornaan eeg qoran. ld qornaansho.
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>