kuukiyaan ld kuuki.
kuul (1) Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.
kuul (2) Khad madow indho marin.
kuulad ld kuulasho.
kuulam (fiis.) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.
kuulan 1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm).
kuulasho eeg kuulo. ld kuulad.
kuuli 1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.
kuulid eeg kuul².
kuulnaan eeg kuulan. ld kuulnaansho.
kuulnaansho ld kuulnaan.
kuulo Indhakuul marsasho.
kuumi Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. ld kumi.
kuuni (1) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido.
kuuni (2) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid.
kuunkuun Ciyaar ay ilmuhu ciyaaraan.
kuunto Futo.
kuunyid eeg kuuni².
kuur (1) Kaabi; ag; cimil.
kuur (2) Cid cabsiin, indho ku gubid.
kuurgal (1) 1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid.
kuurgal (2) U k.: wax si aad ah ugu dhabbagelid.
kuurgeli U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.
kuurgelid eeg kuurgal². ld kuurgal¹ (2).
kuurgelin eeg kuurgeli.
kuuri Wax ku dhowaansho.
kuurid eeg kuur².
kuurin eeg kuuri.
kuurkuursad ld kuurkuursasho.
kuurkuursasho eeg kuurkuurso. ld kuurkuursad, kuurkuursi.
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 > >>