Ereyga Maanta: caynaano
gojilic  Meesha u dhexeysa feercalaanta iyo misigta ee jirka dadka iyo xoolaha.
gojoxo  Hilibka saaran shafka geela. ld gojaxo.
gol  1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
gola-kakac  Qof aftahannimo dheeraad ah leh.
gola-kataag  Qof leh dabci wanaagsan oo uu dadka kale kaga duwanyahay, sida geesinnimo, sakhinnimo, aftahannimo iwm.
gola-la-taliyaasha  (siyaa.) Koox dad ah oo la magacaabay ama loo xushay talo bixinta, sharci dejinta ama qorshe samaynta.
golaadi  Arrin gola keenid.
golaadin  eeg golaadi.
golacas  1. Nooc sagaarada ka mid ah. 2. Qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay. 3. Dawaco khatar ah.
golafariisad  ld golafariisasho.
golafariisasho  eeg golafariiso. ld golafariisad, golafariisi.
golafariisi  ld golafariisasho.
golafariiso  U g.: cid gabar laga doonayo marti u noqosho.
golajoog  1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
golakafuul  Gabay aan la soo diyaarin oo gole laga jeediyo.
golayn  eeg golee.
golcas  1. jaad ugaarta ka mid ah oo gollaha cas. 2. Qorrax casar. 3. ld gollacas.
goldaloolo  1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. ld goldaloosho.
goldaloosho  ld goldaloolo.
goldoox1  1. Goldillaacinta neef dhali waayey gosha laga dillaaciyo, si ilmaha looga soo saaro. 2. G. ah: ilmaha gosha laga soo bixiyo. 3. ld goldooxid. goldoox2  1. Dheddig dhali waayey golkadillaacin si ilmo looga dhaliyo. 2. Arrin qarsoodi ah kashifid. goldooxid  eeg goldoox². ld goldoox¹ (3).
gole  1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay danahooda ugaga wada hadlaan. 2. Goob, fagaaro. 3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. ld gale.
gole-ku-simid  (siyaa.) Awodda xukunka maamuka ee ay bixisay Ururkii Qaramada dagaalkii kowaad ka dib.
golee  1. Cudurka gosha xoolo ku ridid. 2. Gole ka dhigid; gole u dhigid. 3. Gool ka dhelin.
golgoley  Ciyaar baxaarradu yaxaaska ku maaweeliyaan.
goli  La g.: nin naag u galmoosho.
goljilic  Oogada labadeeda dhinac, halka ay ku dhammaadaan feeraha, goljilic; gol. ld gollan.
gollacas  Nooc dawacada ka mid ah, madow oo ariga aad u laysa. ld golcas.
gollan  ld goljilic.
page : 73 of 102
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>