Ereyga Maanta: xug
hawldiidnimo Hawldiid ahaansho.
hawlfududayn 1. Wax shaqada qabashadeeda sahla. 2. Wax la siiyo qof la rabo in uu shaqo qabto.
hawlgab (1) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. ld hawlgeb¹.
hawlgab (2) Gabow awgii shaqo uga fariisasho.
hawlgabid eeg hawlgab². ld hawlgebid.
hawlgacmeed Shaqo gacmaha laga qabto.
hawlgal (1) 1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hawlgal (2) 1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid.
hawlgebid Si dhakhdo ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld hawlgabid.
hawlgeli Shaqo gelin.
hawlgelid eeg hawlgal².
hawlgelin eeg hawlgeli. ld hawlgelis.
hawlgelis ld hawlgelin.
hawlid eeg hawl³.
hawlkar H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.
hawlkarnimo Hawlkar ahaansho.
hawlla' Qof aan hawl hayn ahaansho.
hawlla'aan eeg hawlla'. ld hawl-la'aansho.
hawlla'aansho eeg hawlla'ow. ld hawlla'aan.
hawlla'ow Wax aan shaqo lahayn noqosho.
hawllan Qof wax hawl haya ahaansho. ld hawlloon, hawshoon.
hawllanaan eeg hawllan. ld hawlla-naansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.
hawllanaansho ld hawllanaan.
hawllanow Wax hawl ku mashquulsan noqosho.
hawlloon ld hawllan.
hawlloonaan ld hawllanaan.
hawlloonaansho ld hawllanaan.
hawlmaalmeed Shaqo maalin la qabto.
hawlqaad Qof shaqayn awood leh.
hawlwadaag Ishtiraakiya; hantiwadaag.
<< < 717 718 719 720 721 722 723 724 725 726 727 > >>