Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: wiriqlaawe
hawldiiddo Necbaanta hawsha la necbaado. ld hawldiid.
hawldiidid ld hawldiid.
hawldiidnimo Hawldiid ahaansho.
hawlfududayn 1. Wax shaqada qabashadeeda sahla. 2. Wax la siiyo qof la rabo in uu shaqo qabto.
hawlgab (1) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. ld hawlgeb¹.
hawlgab (2) Gabow awgii shaqo uga fariisasho.
hawlgabid eeg hawlgab². ld hawlgebid.
hawlgacmeed Shaqo gacmaha laga qabto.
hawlgal (1) 1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hawlgal (2) 1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid.
hawlgebid Si dhakhdo ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld hawlgabid.
hawlgeli Shaqo gelin.
hawlgelid eeg hawlgal².
hawlgelin eeg hawlgeli. ld hawlgelis.
hawlgelis ld hawlgelin.
hawlid eeg hawl³.
hawlkar H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.
hawlkarnimo Hawlkar ahaansho.
hawlla' Qof aan hawl hayn ahaansho.
hawlla'aan eeg hawlla'. ld hawl-la'aansho.
hawlla'aansho eeg hawlla'ow. ld hawlla'aan.
hawlla'ow Wax aan shaqo lahayn noqosho.
hawllan Qof wax hawl haya ahaansho. ld hawlloon, hawshoon.
hawllanaan eeg hawllan. ld hawlla-naansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.
hawllanaansho ld hawllanaan.
hawllanow Wax hawl ku mashquulsan noqosho.
hawlloon ld hawllan.
hawlloonaan ld hawllanaan.
hawlloonaansho ld hawllanaan.
hawlmaalmeed Shaqo maalin la qabto.
<< < 717 718 719 720 721 722 723 724 725 726 727 > >>