Ereyga Maanta: jirranaan
himmadjabsanaansho ld himmajab-sanaan.
himmadjebi ld himma-jebi.
himmadjebin ld himmajebin.
himmadjebis ld himmajebin.
himmajab (1) Niyadxumo ku dhacda qof wax uu u hanweynyahay waayay. ld himmadjab¹.
himmajab (2) Qof wax uu u hanweynyahay waayey niyadxumo dareemid. ld himmadjab².
himmajabid eeg himmajab². ld himmadjabid.
himmajabsan Wax himmajabay ahaansho. ld himmadjabsan.
himmajabsanaan eeg himmajabsan. ld himmadjabsanaan, himmadjabsa-naansho, himmajabsanaa.
himmajabsanaansho ld himmajab-sanaan.
himmajebi Cid himmadjab ku ridid. ld himmadjebi.
himmajebin eeg himmajebi. ld himmadjebin, himmadjebis, himma-jebis.
himmajebis ld himmajebin.
himmo Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
himmoo Rabitaan galmo dareemid.
himood eeg himmoo.
hinaas (1) Masayr. ld hinaaso.
hinaas (2) Masayr dareemid.
hinaase 1. Hinaas. 2. Qof masayr badan.
hinaasi Cid masayr ku abuurid.
hinaasid eeg hinaas².
hinaasin eeg hinaasi².
hinaaso ld hinaas¹.
hinaayo Uurkutaallo.
hindhis Hindhiso sii dayn.
hindhisid eeg hindhis.
hindhiso Neef kedis ah, xoog leh, wadata duuf oo laga sii daayo sanka iyo afka.
hindis Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid.
hindisaad Abuuridda wax aan hore u jirin oo cusub la abuuro. ld hindisid.
hindise 1. Wax cusub. 2. Himilo. ld hindiso.
<< < 735 736 737 738 739 740 741 742 743 744 745 > >>