Ereyga Maanta: nadalo
hubqaadid ld hubqaadasho.
hubsad ld hubsasho.
hubsasho eeg hubso. ld hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
hubsi ld hubsasho.
hubsiimo U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.
hubsiino ld hubsasho.
hubso Wax xaqiiq-dooda ogaasho.
hud (1) Xiidmo soo gala meel caloosha ka mid ah oo xuubkii ku dahaarnaa dillaacay.
hud (2) Dhar dillaacsan tolid.
hud-hud 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
hudaanhutee 1. Godad isu daloolin. 2. Turaanturree.
hudaanhuteyn eeg hudaanhutee. ld hudaanhuteys.
hudaanhuteys ld hudaanhuteyn.
hudaanhuto 1. Godad dudumooyinku leeyihiin oo hoos isaga dal-daloola. 2 Nabar dhaawac ah oo aan hoos ka biskoon. 3. Turaanturro.
hudasho eeg hudo.
huddamid eeg huddan².
huddan (1) Socod tabar darro ku jirto.
huddan (2) Socod tabar yar socosho; luudid.
huddan (3) Wax la huday ahaansho.
huddanaan eeg huddan³. ld hudda-naansho.
huddanaansho ld huddanaan.
hudeec (1) ld hadeec¹.
hudeec (2) ld hadeec².
hudeecid ld hadeecid.
hudid eeg hud².
hudo Dhar dillacsan tolasho.
hudqayl Kuray.
huduf Kalluun yaryar; sardiin. ld haduuf.
huf (1) Shimbir hilibka cunta; dafo.
huf (2) 1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iwm).
<< < 755 756 757 758 759 760 761 762 763 764 765 > >>