Ereyga Maanta: jeeraarin
hufan (1) 1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.
hufan (2) 1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho.
hufi Dab babbin.
hufid eeg huf².
hufmid eeg hufan¹.
hufnaan eeg hufan². ld hufnaansho.
hufnaansho ld hufnaan.
hug Neef ari ah harag ka bixin. ld xug².
hugan (1) Shanqar xoog leh samayn.
hugan (2) ld hugsan.
hugasho eeg hugo. ld hugsasho.
hugi Dhar, derin iwm wax dusha ka saarid.
hugid ld xogid.
hugin eeg hugi.
hugis H. ah: maro, busto iwm oo dusha la iska saaro.
hugmid eeg hugan¹.
hugnaan ld hugsanaan.
hugnaansho ld hugsanaan.
hugo Maro, buste iwm dusha iska saarid ld hugso.
hugsan Maro, raar iwm wax dusha laga saaray ahaansho. ld hugan².
hugsanaan eeg hugsan. ld hugnaan, hugnaansho, hugsanaansho.
hugsanaansho ld hugsanaan.
hugsasho ld hugasho.
hugso ld hugo.
huguf Dabayl firo leh oo ay wax soconayaa kacshaan.
hugun Shanqar xoog leh.
hujuum Weerar cid lagu qaado. ld hujuun¹.
hujuumid eeg hujuun².
hujuun (1) ld hujuum.
hujuun (2) Cid weerar ku qaadid.
<< < 756 757 758 759 760 761 762 763 764 765 766 > >>