Ereyga Maanta: herso
horraysiin eeg horraysii.
horree Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.
horro Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.
horseed (1) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed (2) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.
horseedid eeg horseed².
horseednimo Horseed ahaansho.
hortaag Wax dhanka hore istaajin.
hortaagan Wax, wax ku hor gudban ahaansho.
hortaagid eeg hortaag.
hortaagnaan eeg hortaagan. ld hortaagnaansho.
hortaagnaansho ld hortaagnaan.
hortag (1) ld hortegid.
hortag (2) 1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid dan laga leeyahay u tegid. 2. (f.mg) Ka h.: wax agtooda ka fogaansho.
hortegid eeg hortag². ld hortag¹.
horudhalow Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
horudhigid Saacad iwm hore gayn.
horujeed 1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.
horukac Horumar la gaaro.
horukicid 1. Samaynta horukac la sameeyo. 2. ld horukac.
horummar ld hormar¹.
horummarin 1. Gaarsiinta cid horumar la gaarsiiyo. 2. Lacag yar oo cid loo qaddimo.
horummarsan Cid horukac gaartay ahaansho.
horummarsanaan eeg horummarsan. ld horummarsanaansho.
horummarsanaansho ld horummar-sanaan.
horusocod (siyaa.) Qofkii haysta fikrad horusocod, oo jecel isbeddel in uu dhaliyo.
horusocodnimo Horusocod ahaansho.
horutibyee ld horatibyee.
horutibyeyn ld horatibyeyn.
horutibyo ld horatibyo.
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>