goosey1 ld goosaato¹. goosey2 ld goosato². goosgoos 1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. ld googgoos.
goosh1 1. Safar. 2. ld goshid. goosh2 Iskaga g.: bad, dhul, cir ku safrid. gooshid eeg goosh². ld goos¹ (2).
goosi ld goosasho.
goosin Hormo xoolaad.
goosmid eeg goosan².
gooso 1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”
gootow G. ah: nin dhallin yar oo aan weli guursan; doob.
goox Meel aan gabbaad lahayn oo dhaxan badan leh.
gooye ld goosato¹.
gooyoogunto Maro, badanaa hoos laga qaato oo aan toox lahayn.
gor Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.
goray 1.Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
gordan 1. Wax madaxa midab ku leh ahaansho (neef riyo ah). 2. Wax qaarka hore madow ahaansho (neef ido ah).
gordanaan eeg gordan. ld gordanaansho.
gordanaansho ld gordanaan.
gorfayn eeg gorfee. ld gorfays.
gorfays ld gorfayn.
gorfe Nooc ka mid ah gorgorka oo ka weyn guduriga.
gorfee Arrin laga doodayey si fiican uga hadlid.
gorfi Haan dhiil haruub, iwm hoore ka dhammayn.
gorfin eeg gorfi. ld gorfis.
gorfis ld gorfin.
gorgor Nooc haadda hilib-kunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.
gorgorad ld googgaarad.
gorgorafuul Gorgoro been ah oo beec lagu kordhiyo.
gorgori Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin.
page : 81 of 102
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>