Ereyga Maanta: lasow
isrogrog (nax.) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iwm. Tus. “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.
istaadiyo Fagaaro loo habeeyey in lagu qabto tartamada ciyaaraha.
istaafilokookaas (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
istaag (1) Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid.
istaag (2) 1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho.
istaagan Wax ligan ahaansho.
istaagid eeg istaag². ld istaag¹.
istaagnaan eeg istaagan. ld istaag-naansho.
istaagnaansho ld istaagnaan.
istaahil (1) 1. Fal u dhigma xumaan ama wanaag la gaystey. 2. ld istaahilid.
istaahil (2) Qof wanaag ama xumaan geystey fal u qalma ku abaal marin.
istaahilid eeg istaahil². ld istaahil¹ (2).
istaaji 1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin.
istaajin eeg istaaji.
istaandar (fiis.) Xaalad beegaal.
istaaqfarad ld istaaqfarasho.
istaaqfarasho eeg istaaqfaro. ld istaaqfarad.
istaaqfaro Duco Ilaah lagu weyddiisto dembi dhaafid.
istaaqfurlow ld istaaqfurow.
istaaqfurow Waqti dabayl xoog leh oo siigo xambaarsan jirto. ld astaaqfurow, istaaqfurlow.
istaaqfurullahi ld istaaqfurulle.
istaaqfurulle Duco Ilaah lagu wayddiisto dembi dhaaf. ld istaaqfurullahi.
istaaqfurulleysad ld istaaqfurulley-sasho.
istaaqfurulleysasho eeg istaaq-furulleyso. ld istaaqfurulleysad, istaaq-furulleysi.
istaaqfurulleysi ld istaaqfurulleysasho.
istaaqfurulleyso Ilaah dembi dhaaf wayddiisasho.
istaarj (baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.
istaarj xayawaan Glaykojiin.
istallaab ld iskutallaab.
istaraatiiji I. ah: meel difaaca ku habboon.
<< < 803 804 805 806 807 808 809 810 811 812 813 > >>