baansad ld baansasho.
baansasho eeg baanso. ld baansad, baansi.
baansi ld baansasho.
baansiin Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
baansiino ld baansiin.
baanso (1) Geed leh laamo dhaadheer oo xubno leh oo sida dhuumihii dhexda ka daloola, waxaana loo isticmaalaa dhismaha, samaynta dambiilaha qaarkood, iwm; qaysaraan.
baanso (2) Qof buka ama dhaawac ah baan siisasho.
baantiisimaada (dii.) Fikrad diineed, taasoo Illaahay in uu yahay wax kasta, dabeecada iyo caalamka dhexdiisa.
baantookh Cid ammaan badan oo ay lahayn sheegasho.
baantookhid eeg baantookh.
baantow B. ah: dibi dad dil ah oo cidla-joognimo ku abaaday muddo. ld baantoy.
baantoy ld baantow.
baaq (1) 1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.
baaq (2) (taar.) War cad oo rasmi ah.
baaq (3) Baaq samayn.
baaqad ld baaqasho.
baaqasho eeg baaqo. ld baaqad.
baaqbaaq Limid; carraggeddin; falid.
baaqbaaqid eeg baaqbaaq.
baaqe 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
baaqi Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
baaqid eeg baaq³. ld baaq¹ (4).
baaqimo Neef caana yar; gabno; badho. ld baaqin.
baaqin (1) ld baaqimo.
baaqin (2) Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.
baaqo 1. Meel tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid. Tus. “Shirkii wuu baaqday”.
baaqsad ld baaqsasho.
baaqsasho eeg baaqso. ld baaqsad, baaqsi.
baaqsi ld baaqsasho.
baaqso 1. Roob, fasal, rimay iwm waqti la filayay in ay dhacaan suurtaggal noqon waayid. 2. Ka b.: wax la samayn lahaa ama meel la aadi lahaa ka talabixid.
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>