Ereyga Maanta: cashrin
jaanqaad (2) 1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.
jaanqaadid eeg jaanqaad². ld jaanqaad¹ (3).
jaanrog Cararid.
jaanrogid eeg jaanrog.
jaansaar (1) Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
jaansaar (2) Kabo duugoobay sar cusub saarid.
jaansaaran Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
jaansaarid eeg jaansaar².
jaansaarnaan eeg jaansaaran. ld jaansaarnaansho.
jaansaarnaansho ld jaansaarnaan.
jaantus Naqshad ama sawir lagu muujiyo fikrad.
jaantus Argrand (xis.) (Sallax murakab) Laba addimaale habdhiska kulannada kaartis ee lagu muujiyo tirooyinka murakabka ah. Tirada x + iy waxa lagu muujin karaa barta kulannadeedu yihiin (x, y).
jaar 1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
jaaraan ld jiiraan.
jaariile Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
jaariyad Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
jaarnimo Jaar ahaansho.
jaarri (1) Muran iyo canaad isku jira.
jaarri (2) Muran iyo canaad isku jira muujin.
jaarrin eeg jaarri².
jaasayn eeg jaasee.
jaasee Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
jaaso Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.
jaasuus (1) 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.
jaasuus (2) Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².
jaasuusid eeg jaasuus². ld jaajuusid.
jaasuusnimo Jaasuus ahaansho. ld jaajuusnimo.
jaaw Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.
jaaw (1) Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir.
jaawe Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
<< < 811 812 813 814 815 816 817 818 819 820 821 > >>