Ereyga Maanta: hadwasho
baaquli Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.
baar (1) 1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.
baar (2) (baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.
baar (3) 1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.
baaraabuf ld baaraabuq.
baaraabuq Nooc fangaha ka mid ah oo aan la cunin. ld baaraabuf.
baaraan ld baarid².
baaraandeg (1) 1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid.
baaraandeg (2) Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin.
baaraandegid eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).
baarad ld baarasho.
baaranooya (daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
baarasho eeg baaro. ld baarad.
baarashuud Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
baarax 1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.
baarbitureyt (daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.
baare Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
baarfuran Awr aan weligii la raran.
baari (1) 1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.
baari (2) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
baarid (1) B. ah: Wax aad u qabow.
baarid (2) eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan.
Baariis Magaalada Baariis (Af-Ingiriis: Paris) waa Caasimada wadanka Faransiiska (France)
baarin (1) ld baariyid.
baarin (2) Meesha gacatada laga qoto.
baaris (1) Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan.
baaris (2) ld baariyid.
baaris (3) ld baarid².
baaritaan 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².
baariyam-salfeyt (kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>