Ereyga Maanta: xug
jawriir Caw dharid.
jawriirid eeg jawriir.
jaws (bot.) Miro yicibta u eg oo shaaha lagu darsado. ld jows.
jaxaas (baay.) Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. ld yaxaas.
jaxeer 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. ld jexeer.
jay 1. ld jaay. Dhagxaan yaryar oo dhismaha loo isticmaalo. 2. J. ah: qof dhuuban oo xoog badan.
jaynaf (1) Qolof jirku yeesho oo qabowgu keeno.
jaynaf (2) Jir dad qabow awgiis qolof yeelasho.
jaynafid eeg jaynaf².
jaynafnimo Jaynaf ahaansho.
jaynafsan Wax jaynaf ku dhacay ahaansho (dibno).
jaynafsanaan eeg jaynafsan. ld jaynafsanaansho.
jaynafsanaansho ld jaynafsanaan.
jaynnimo Jay ahaansho.
jebi 1. Wax is haystay xoog u kala qaybin. 2. Wax taagnaa dumin. 3. Xoolo iwm oo tiradoodu badantahay yarayn. 4. Xoolo iwm kala qaybin. 5. Sharci ku xad gudbid. 6. Col iwm baabi'in. 7. Ka j.: soon, salaad iwm cid ka burin. 8. Ka j.: shax, jar iwm cid dhawr jeer badisay ka badin. 9. Sicir yarayn (ganacsi). ld jabi.
jebid ld jabid.
jebin eeg jebi. ld jabin, jabis, jebis.
jebis (1) 1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. ld jebin.
jebis (2) ld jebiso.
jebiso Halaq weyn, u eg abeesada oo waxa ay ugaarsanayso isku duubta kaddibna burburisa. ld jebis².
jebsiino Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
jebsin (daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. ld jibsin².
jecayl ld jacayl.
jecel Wax, wax aad u raba ahaansho.
jeclaan eeg jecel. ld jeclaansho.
jeclaansho ld jeclaan.
jeclaysad ld jeclaysasho.
jeclaysasho eeg jeclayso. ld jeclay-sad, jeclaysi.
jeclaysi ld jeclaysasho.
jecleysii 1. Wax rabitaan-kooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaan-kooda is xijin.
<< < 829 830 831 832 833 834 835 836 837 838 839 > >>