dhabgeliIsu dh.: waxyaabo meel wada gelin.
dhabgelineeg dhabgeli.
dhabiil11. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.
dhabiil21. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.
dhabiilideeg dhabiil². ld dhabiil¹.
dhabiiltamideeg dhabiiltan². ld dhabiiltan¹.
dhabiiltan1Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid.
dhabiiltan2Si dhab ah u xisaabtamid.
dhabjild dhabqi.
dhabjinld dhabqin.
dhabjisld dhabqin.
dhabnaaneeg dhaban³. ld dhab- naansho.
dhabnaanshold dhabnaan.
dhaboDhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).
dhaboobideeg dhabow.
dhabowDhab noqosho.
dhabqalallayneeg dhabqalallee.
dhabqalalleeWax dhabqalallo ku sameyn.
dhabqalalloDh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.
dhabqiCayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji.
dhabqideeg dhabaq².
dhabqineeg dhabqi. ld dhabjin, dhabjis, dhabqis.
dhabqisld dhabqin.
dhabroCudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
dhabuulaq1Raad dad oo isku noqnoqday.
dhabuulaq2Raad dad isku noqnoqasho.
dhabuuliqideeg dhabuulaq².
dhabxanagDahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.
dhac11. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.
dhac21. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>