gubasho2 (kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah. gubato 1. Cudur lo'da ku dhaca oo haragga ka guba. 2. ld gubad (1).
gube 1. Maddane. 2. ld guube.
gubid eeg gub². ld gubis, gubniin.
gubis ld gubid.
gubnaan eeg guban. ld gubnaansho.
gubnaansho ld gubnaan.
gubniin ld gubid.
gubnood Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.
gubo 1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid.
gubtaanyo ld gubtahanyo.
gubtahanyo Geed saar dhirta daawada leh ka mid ah oo dhirta kale isku mara, lehna xaad iyo xajiin aad u daran. ld gubtaanyo.
gubte Waxyaaba dhaqso u holca.
gubungub Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. ld gubaangub.
gucaad G. ah: nafley socodka ku gaabisa.
gucaadnimo Gucaad ahaansho.
gucle Orod gaaban. ld rucle.
guclee Orod gaaban ordid.
gucleyn eeg guclee. ld gucleys.
gucleys ld gucleyn.
gucummaale 1. Libaax lab oo aad u weyn. 2. G. ah: nafley aad u dhogor leh.
gucun 1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iwm oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
gud1 Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib. gud2 1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid. gudaal Socod habeenkii la socdo; guure. ld gudid.
gudaggal Hawl iwm u gondadegid.
gudaggelid eeg gudaggal.
gudan Wax la guday ahaansho.
gudasho eeg gudo².
gudban1 1. Xiddig u dhexeysa bayaxawda iyo libcasta. 2. Naag madax adag.
page : 85 of 102
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>