sidii ld si.
sidix 1. Harag aan dhogor lahayn. 2. S. ah: ilmo yaroo markaas dhashay.
sidkan Wax la sidkay ahaansho (hal geel).
sidkanaan eeg sidkan. ld sidka-naansho.
sidkanaansho ld sidkanaan.
sidkasho eeg sidko. ld sidko.
sidkid eeg sidig².
sidko Hal geel sidig ka dhigasho.
sido 1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho.
sidqaad Marka ilmuhu caloosha galaan iyo marka ay dhashaan muddada u dhexey-sa.
sif Wan lax boodid.
sifaal Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.
sifaale Xaalad lagu suganyahay.
sifaar Nooc cawska ka mid ah kana baxa meelaha ciid guduudka ah oo xooluhu aad u cunaan.
sifayn eeg sifee. ld safayn.
sifaysan (1) 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. ld safaysan¹.
sifaysan (2) Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. ld safaysan².
sifaysmid eeg sifaysan¹. ld safaysmid.
sifaysnaan eeg sifaysan². ld safaysnaa, safaysnaansho, sifays-naansho.
sifaysnaansho ld sifaysnaan.
sifee 1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. ld safee.
sifid eeg sif.
sifir Sullan; isir; walcan.
sifo 1. Sharraxa wax la sharxo. 2. Astan iwm oo wax gaar u leeyihiin.
sifo (2) (nax.) Guud ahaan waxaa sifo loo yaqaannaa dir faahfaahisa ama sifaysa dirta magaca, haseyeeshee waxaa jira afaf ka mid ah af-soomaaliga, oo dirta sifadu ay dhismo ahaan u dhaqanto sida falalka (eeg fal-sifo).
sifoobid eeg sifow.
sifow Ku s.: wax caan ku noqosho.
sifsif (1) Tolmada dharka oo si gaar ah dunta la isaga kor boodbootiyo.
sifsif (2) Tolmada dharka si gaar ah dunta isaga kor boodbootin.
sifsifid eeg sifsif².
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>