Ereyga Maanta: ismaandhaaf
cufee ld gufee.
cufnaan Layiignimo; cumur.
cufnaan u-eegan (fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
cufnaan-hoorbeeg (fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta u-eegan ee hoorka.
cufnaanta tirada dadka (juqr.) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
cug (1) ld cub¹.
cug (2) ld cub²; ld cul.
cugaal Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
cugan (1) ld cuban¹.
cugan (2) ld cuban²; culan.
cugasho ld cubasho.
cugay ld culay.
cugid ld Cubid; culid.
cugmid ld cubmid.
cugnaan ld Cubnaan; culnaan.
cugnaansho 1. ld cubnaan. 2. ld culnaan.
cugo ld cubo.
cugtamid ld cubtamid.
cugtan (1) ld cubtan¹.
cugtan (2) ld cubtan².
cuguf ld cagaf.
cukad Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad.
cukadayn eeg cukadee. ld cokadayn.
cukadee Harag ari cukad ka dhigid. ld cokadee.
cukan Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. ld cokan.
cukanaan eeg cukan. ld cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
cukanaansho ld cukanaan.
cukane Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
cukur Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley.
cul Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>