guduudi1 Nooc ka mid ah masaggada, yaryar oo cas cas. ld guduudshe. guduudi2 Wax guduud ka dhigid. guduudin eeg guduudi².
guduudnaan eeg guduudan. ld guduudnaansho.
guduudnaansho ld guduudnaan.
guduudo1 Nooc kalluunka ka mid ah. ld guduudow. guduudo2 Wax midab guduudan yeeshay noqosho. guduudow ld guduudo¹.
guduudshe ld guduudi¹.
guf1 1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro. guf2 Hanti yar oo la siiyo qaraabada ama waalidka gabar la aroosay. gufaaco1 1. Roob dabayl soo harbinayso. 2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehantahay oo badda kacsani soo daacdo. gufaaco2 (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah. gufaacoo Dixiri sanqada geela gudaheeda ka abuurmo neef xoog leh uga soo saarid.
gufaacood eeg gufaacoo.
gufacaale Roob badan oo dabayl xooggani waddo.
gufar Wax yar oo adag oo hoos uga degey hoore meel ku jira.
gufaysad ld gufaysasho.
gufaysasho eeg gufayso. ld gufaysad, gufaysi.
gufaysi ld gufaysasho.
gufayso Meel daloosha guf ku cufaysasho.
gufee Meel guf gelin.
gufeyn eeg gufee. ld cufayn, cufays, gufeys (2).
gufeys 1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. ld gufeyn.
gufeysan1 Wax la gufeeyey noqosho. ld cufaysan¹. gufeysan2 Wax guf loo yeelay ahaansho. ld cufaysan². gufeysmid eeg gufeysan¹. ld cufaysmid.
gufeysnaan eeg gufeysan². ld cufaysnaan, cufaysnaansho, gufeys- naansho.
gufeysnaansho ld gufeysnaan.
gufi 1. Jirrid xabaalan oo geed la jaray ka hartay. 2. Sabuul gallay oo mirihii laga finjilay.
page : 88 of 102
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>