kafafin eeg kafafi. ld kafafis.
kafafis ld kafafin.
kafan (1) Marada cad oo meydka la aasayo lagu duubo. ld karfan¹.
kafan (2) Maro cad ku duubid (meyd). ld karfan².
kafee Wax deeqid, ama ka fillaansho.
kafeyn eeg kafee.
kafnid eeg kafan². ld karfanid.
kaftamid eeg kaftan². ld kaftan¹ (2).
kaftan (1) 1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. ld kaftamid.
kaftan (2) Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan).
kaftandhable Hadal dhab ah oo si kaftan ah loo gudbiyo.
kaftanlow Qof kaftan badan.
kafuufo 1. Dhibaato ka dhalata cunto la iska badiyey. 2. Gaajo; faqri.
kahad ld kahasho.
kahasho eeg kaho. ld kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.
kaho Wax karaah-sasho. ld kahso.
kahortag (daaw.) Hab walba oo looga hortago cudurrada, sida: tallaalka gawraca-tada iyo kixda, ama falooreynta oo looga hortago suuska ilkaha caruurta.
kahortagga-cudurrada (daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.
kahsad ld kahasho.
kahsi (1) ld kahasho.
kahsi (2) (daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.
kahsitire (daaw.) Dawo joojisa falka “istamiinka” ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.
kahso ld kaho.
kajamid eeg kajan².
kajan (1) Hadal beeni ku jirto oo kaftan iyo ciyaar u eg.
kajan (2) Ku k.: cid ku jeesjeesid.
kakabi 1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iwm cayrin.
kakabin eeg kakabi. ld kakabo.
kakabo 1. Cayrinta lagu cayriyo wax meel ciriiryoon. 2. Cayrinta wax meel lagu cayriyo. ld kakabin.
kakan Wax adag ahaansho.
<< < 875 876 877 878 879 880 881 882 883 884 885 > >>