Ereyga Maanta: jeegayn
miirrif Marakudheg.
miirsad ld miyirsasho.
miirsasho ld miyirsasho.
miirsi 1. Quursi. 2. ld miyirsasho.
miirsidiid M. ah: ruux xumo diidnimo ku sifoobay.
miirsidiidnimo Miirsidiid ahaansho.
miirso ld miyirso.
miis (1) 1. ld miisad. Qalab ka samaysan alwaax, bir, ama wax kale oo fidsan lugo ku taagan oo siyaalo kala geddisan loogu isticmaalo xafiisyada iyo guryaha. 2. Xoogaa cunto ah oo beegan oo aan bislayn. 3. Heer nolosha laga gaaro. 4. Meel dad koox ahi cunto loogu sameeyo. 5. ld miisid.
miis (2) Cunto beegid.
miisaali Qof door ah. ld miitaali.
miisaaman 1. Wax la miisamay ahaansho. 2. Wax isu dheeli tirsanahaansho. ld miisaanan.
miisaamasho eeg miisaamo. ld miisaanasho.
miisaamid eeg miisaan². ld miisaanid.
miisaamo Wax miisaan ku cabbirasho. ld miisaano.
miisaan (1) 1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
miisaan (2) Miisaan wax ku cabbirid.
miisaanan ld miisaaman.
miisaanasho ld miisaamasho.
miisaanid ld miisaamid.
miisaaniyad (dhaq.) Qorshe waqtiyeysan oo maaliyadeed oo loogu talaggalay in hawl lagu fuliyo.
miisaannaan eeg miisaaman. ld miisaannaansho.
miisaannaansho ld miisaannaan.
miisaano ld miisaamo.
miisad Qalab ka sameysan alwaax, bir, iwm fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. ld miis¹ (1).
miisan Wax la miisay ahaansho.
miisasho eeg miiso.
miisgool Miis wareegsan oo fadhiga la dhigto.
miishaar (1) ld miinshaar¹.
miishaar (2) ld miinshaar².
miishaaree ld miinshaaree.
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>