kallahaad ld kallah¹.
kallahid eeg kallah². ld kallihid.
kallaho ld kallah¹.
kallahsan Wax aroor hore soconaya ahaansho.
kallahsanaan eeg kallahsan. ld kallahsanaansho.
kallahsanaansho ld kallahsanaan.
kalleeti (1) 1.Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. ld talleeji, tallooji.
kalleeti (2) Ku k.: kaadi ama wax la mid ah, oo si ganid ah, u sii dayn.
kalleetiyid eeg kalleeti².
kalli (c.nafl.) Dhisme ka kooban dhuumo kuwaas oo gudbiya dareerayaasha. Dhinaca dhirta dareerayaashu waa biyo, milanno ka samaysan cusbooyin aan orgaanik ahayn ama milanno cunto ah. Dhinaca xayawaanka dareerayaashu inta badan waa dhiig, ama dhiig iyo limf dhinaca lafdhabarleyda.
kallif (1) Wax fulintoodu ay dhib tahay.
kallif (2) Wax fulintoodu ay dhib tahay cid ku khasbid.
kallifid eeg kallif².
kallihid ld kallahid.
kalloorad Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iwm lagu shubto; jeeg. ld gadhoorad, kadhoorad.
kalluumaysad ld kalluumaysasho.
kalluumaysasho eeg kalluumayso. ld kalluumaysad, kalluumaysi.
kalluumaysato Dad noloshoodu ku xiran tahay kalluumeysiga; kalluunsato.
kalluumaysi ld kallumaysasho.
kalluumayso Kalluun dabasho.
kalluun (c.nafl.) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
kalmoon Miro yicibeed oo dhilan.
kalnugeyl 1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
kalnuglaan eeg kalnugul. ld kalnuglaansho.
kalnuglaansho ld kalnuglaan.
kalnugul 1. Wax niyad debecsan oo raxmad badan ahaansho. 2. Wax cabsi badan ahaansho (qof). 3. Wax adkaysi yar ahaansho (qof).
kaloox Bocool.
kalsaar Haan weyn oo marka la rarayo horay la marinayo; horaad.
kalsamaan eeg kalsan. ld kalsamaansho, kalsami.
kalsamaansho ld kalsamaan.
<< < 881 882 883 884 885 886 887 888 889 890 891 > >>