guluus Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. ld galuus.
gumaad1 1. Baabi'inta wax la baabi'iyo. 2. ld gumaadid. gumaad2 Wax baabi'in. gumaadid eeg gumaad². ld gumaad¹ (2).
gumaar 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
gumaax1 1. Bir aan af ama caarad dhuuban lahayn. 2. ld gumaaxid. gumaax2 Bir wax aan af ama caarad dhuuban lahayn ka dhigid. gumaaxan1 Wax gumaaxmay noqosho. gumaaxan2 Wax la gumaaxay ahaansho. gumaaxid eeg gumaax². ld gumaax¹ (2).
gumaaxmid eeg gumaaxan¹.
gumaaxnaan eeg gumaaxan². ld gumaaxnaansho.
gumaaxnaansho ld gumaaxnaan.
gumac ld gumuc.
gumar Geedgaab qodax, mayrax, xabag iyo miro leh oo ka mid ah dhirta daawada leh.
gumbur Buur yar; kur.
gumburi Dameer dibadeed ku nool gobollada Nugaal iyo Sanaag.
gumeysad ld gumeysasho.
gumeysasho eeg gumeyso. ld gumeysad, gumeysi.
gumeysi 1. Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iwm. 2. ld gumeysasho.
gumeyso Cid addoonsasho.
gumeyste Qof wax addoonsada.
gummaad Cunto; gasiin.
gummud 1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iwm inta ka harta.
gumre ld gunre.
gumuc 1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. ld gumac.
gumuux1 ld gamuux¹. gumuux2 ld gamuux². gumuuxan ld gamuuxan.
gumuuxid ld gamuuxid.
page : 91 of 102
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>