Ereyga Maanta: maraqsan
kharaaraansho eeg kharaarow. ld xaraaraansho.
kharaari Wax kharaar ka dhigid. ld xaraari.
kharaarin eeg kharaari. ld xaraarin.
kharaarow 1. Wax kharaar noqosho. 2. Wax adkaaday noqosho (arrin). ld xaraarow.
kharaf Qof fudud oo iska hadla oo warkiisa aan waxba laga soo qaadin.
kharaj Wax allaale wixii lacag ah oo jeebka ka baxa. ld kharash.
kharajgarayn eeg karajgaree. ld kharashgarayn.
kharajgaree Lacag iwm kharaj ahaan u bixin. ld kharashgaree.
kharash ld kharaj.
kharashgarayn ld kharajgarayn.
kharashgaree ld kharajgaree.
kharfo Dhul aan la degganeyn oo oommane ah.
khariidad ld khariiddo.
khariidad-borojakhsaneyd (juqr.) Muujisanaanta ay ku muujisantahay dhulka dushiisa oo dhan ama qayb ka mid ah dul fidsan korkeed, si loogu muujiyo muuqaallada dabeecadda, siyaasadeed, ama muuqaallo kale; bar kasta oo ku taal khariidadda dusheeda waxay u taagantahay ama xiriir la leedahay meel juqraafiyeed oo ka mid ah dhulka runta ah iyadoo la adeegsanayo qiyaas go'an ama borojek-shan.
khariidad-kala-sarreynta (juqr.) Khariidad muujinaysa kala sarraynta meel.
khariiddo Naqshad warqad iwm lagu sameeyo oo muujineysa dhulka oo dhan ama qeyb ka mid ah. ld khariidad.
khariif (1) 1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh.
khariif (2) Doon meel ku xayirmid dabaysha oo isbeddeshay aw-geed.
khariifid eeg khariif².
kharqaan ld harqaan.
kharqaanle ld harqaanle.
kharqad 1. Cad ama jeex yar oo maro ah. 2. Hal maro ah oo la geliyo barkimaha. ld harqad.
kharraab (1) ld kharaab¹.
kharraab (2) ld kharaab².
kharraabi ld kharaabi.
kharraabin ld kharaabin.
kharraabsan ld kharaabsan.
kharraabsanaan ld kharaabsanaan.
kharraabsanaansho ld kharaabsanaan.
kharrib (1) Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbur-sho, kharaab laga dhigo. ld kharribaad.
<< < 903 904 905 906 907 908 909 910 911 912 913 > >>