Ereyga Maanta: salladan
dhagaxbaruurDhagax midab cad leh oo jilicsan.
dhagaxdhaalDhul meelina dhagax tahay, meelna ciid.
dhagaxdixeedDhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
dhagaxturaanturroWax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.
dhagaxyeeWax dhagax la dhacid. ld dhagxi.
dhagaxyeyneeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis.
dhagdhagQosol aad u dheer oo aan kala go'lahayn.
dhagiMaalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi.
dhagrideeg dhagar².
dhagsiiQof ama wax dilid.
dhagsiineeg dhagsii.
dhagufWadaan gaboowday.
dhagxild dhagaxyee.
dhagxinld dhagaxyeyn.
dhagxisld dhagaxyeyn.
dhaji1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).
dhaji1Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.
dhajineeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis.
dhajis1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
dhajisgoynDaaweynta cudurka dhejiska.
dhakaacQayb lafdhabarta ah.
dhakaaciQosol ka dh.: aad u qoslid.
dhakaacineeg dhakaaci.
dhakaar1. Madaxa. 2. Dhafoor.
dhakaaryayneeg dhakaaryee.
dhakaaryeeCid dhakaarka ka garaacid.
dhakaaryoGaraacidda qof dhakaarka laga garaaco.
dhakabDh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.
dhakadld dhakasho.
dhakafaar11. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid.
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 > >>