Ereyga Maanta: goldooxid
Koonfurta Ameerika (Juqr.) Koonfurta Ameerika ama Ameerikada koonfureed waa qaarad ku taalo koonfurta ameerika. Waxaa ku yaala 10 wadan oo kala ah. (Fanansuwela - Caasimadda: Karakas (Caracas)) (Barasiil - Caasimadda: Barasiliya (Brasília)) Arjantiina - Caasimadda: Bonisaras (Buenos Aires)) (Boliifia - Caasimadda: Labaz (La Paz)) (Ikwadoor - Caasimadda: quweto (Quito)) (Beru - Caasimadda: liima (Lima)) (Kolombiya - Caasimadda: Bogota (Bogotá)) (Baraguay - Caasimadda: Asanasiyoo (Asunción)) (Uruguay - Caasimadda: Montafiidyoo (Montevideo)) (jili - Caasimadda: Santiyeego (Santiago))
koor (1) Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh.
koor (2) Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.
koor (3) 1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.
koorabixis Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
kooraggooye Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.
kooraggooyennimo Kooraggooye ahaansho (nin).
kooraqore Nin farsamaynta kooraha ku wanaagsan.
koorasaar 1. Midab madow oo neef ido ah dusha uga yaal. 2. Duudka fardaha meesha kooraha la saaro.
koorayn eeg kooree.
koore Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
kooree Koore saarid (Faras, baqal).
koori Koor yeerid.
koorib Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.
koorid eeg koor².
koorin eeg koori.
koorkoox ld kooxkoox.
koorniya (c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.
koorrib Kuul madow oo quraarad ah.
koos 1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.
koosaar (1) Hilib, caano, subag iwm oo cuntada la cunayo lagu iidaanto. ld goosaar¹.
koosaar (2) Cunto iidaan ku darid. ld goosaar².
koosaarad ld goosaarad.
koosaaran Wax la koosaaray ahaansho. ld goosaaran.
koosaarasho eeg koosaaro. ld goosaarasho.
koosaarid eeg koosaar². ld goosaarid.
koosaarnaan eeg koosaaran. ld goosaarnaan, goosaarnaansho, koosaar-naansho.
koosaarnaansho ld koosaarnaan.
koosaaro Cunto koosaar ku darsasho. ld goosaaro.
koosayn eeg koosee.
<< < 918 919 920 921 922 923 924 925 926 927 928 > >>

