Ereyga Maanta: jeegayn
siraadid eeg siraad².
siraadkor (1) Ka samatabbaxa dhibaato cid haysata.
siraadkor (2) Dhibaato cid haysata ka samatabbixid.
siraadkorid eeg siraadkor².
siraadnaan eeg siraadan. ld siraadnaansho.
siraadnaansho ld siraadnaan.
siraado Wax iftiin-sasho.
siraaj ld siraad¹ (1).
siran (1) Ku s.: wax khatalmay noqosho.
siran (2) Ku s.: wax khatalmay ahaansho.
sirasho eeg siro.
sirdil Cid si khayaamo ah wax u yeelid. ld sirdilyee, sirkudilyee, sirutibyee.
sirdilid eeg sirdil. ld sirlilyayn, sirdilyo, sirkudilyayn, sirkudilyo.
sirdilyayn ld sirdilid.
sirdilyee ld sirdil.
sirdilyo Waxyeelidda si khayaamo ah cid wax loo yeelo. ld sirdilid.
sirgacamid ld sirgaxmid.
sirgacan (1) ld sirgaxan¹.
sirgacan (2) ld sir-gaxan².
sirgacnaan ld sirgaxnaan.
sirgacnaansho ld sirgaxnaan.
sirgax (1) 1. Qallooc. 2. S. ah: qof dabeecad qallafsan; gurrac.
sirgax (2) Wax qalloocin.
sirgaxan (1) Wax qalloocmay noqosho. ld sirgacan¹.
sirgaxan (2) Wax qalloocan ahaansho. ld sirgacan².
sirgaxid eeg sirgax². ld sirgixid.
sirgaxmid eeg sirgaxan¹. ld sirga-camid.
sirgaxnaan eeg sirgaxan². ld sirgacnaan, sirgacnaansho, sirgaxnaan-sho.
sirgaxnaansho ld sirgaxnaan.
sirgixid ld sirgaxid.
<< < 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 > >>