Ereyga Maanta: qooshid
kurdad Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
kurdo Nooc cawska ka mid ah oo beeraha waxyeeleeya.
kureeddo Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.
kurid eeg kur³.
kurkurray Naag jirkeeda si qarsoodi ah uga ganacsata; dhillo.
kurkurraynimo Kurkurray ahaansho.
kurmaan (kurmaan, m.dh) Badarka budada ah marka la karinayo kuuska uu yeesho; burlaqan; burtuur.
kurreer Biyo aan macayn oo culus.
kursi 1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iwm. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.
kursijiif Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
kurtin ld kurtun.
kurtumeysasho eeg kurtumeyso.
kurtumeyso Cududdaha iyo laabta sawirro aan ka go'in ku sawirasho.
kurtun 1. Qori ama jirrid geed oo gaaban oo dhulka ku aasan oo afkiisu soo taaganyahay. 2. Laan la gooyey oo intii hartay ay geedka ka soo taagantahay. ld kurtin.
kurus Cad baruur ah oo weyn oo geela dhabarkiisa ka baxa.
Kuruweshiya Kuruweshiya (hr: Hrvatska, Af-Ingiriis: Croatia) waa wadan ku yaalo bartamaha iyo koonfurta bari ee qaarada Yurub. Caasimadiisuna waa Zagreb.
kuryeysan Wax qaab kankoonsan leh ahaansho.
kuryeysnaan eeg kuryeysan. ld kuryeysnaansho.
kuryeysnaansho ld kuryeysnaan.
kuryo 1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.
kuryoxoogle Wiil kuray ah oo aan qaangaarin.
kush Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
kushad eeg kusho.
kusheeg Is k.: qof isuqabe ah ama sheegte ah.
kushiin Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
kusho Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.
kusime Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.
kusimid eeg kusin.
kusin 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
kutaan Dhiqle. ld tukhaan.
<< < 929 930 931 932 933 934 935 936 937 938 939 > >>

