Ereyga Maanta: afxirasho
liifad 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
liifan (1) Wax caatobay noqosho.
liifan (2) Wax caatoobay ahaansho.
liifid eeg liif². ld luufid.
liifmid eeg liifan¹.
liifnaan eeg liifan². ld liifnaansho.
liifnaansho ld liifnaan.
liig Garanuugta keeda lab.
liil 1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
liilami Ku l.: wax meel ku safid.
liilamin eeg liilami.
liilan Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
liilansan Ku l.: wax wax kale ku lammaan ahaansho.
liilansanaan eeg liilansan. ld liilansanaansho.
liilansanaansho ld liilansanaan.
liilgeli 1. Wax qiimaha ay leeyihiin siin. 2. Wax dhammaystir.
liilgelin eeg liilgeli.
liili Xaskul, harag iwm si ay u jilcaan garaacid.
liilin eeg liili.
liiliye Qalab hargaha lagu jilciyo.
liilliiji Wax meel suran oo adag ruxruxid. ld liiqliiqi.
liilliijin eeg liilliiji. ld liilliijis, liiqliiqin, liiqliiqis.
liilliijis ld liilliijin.
liilo Hees dhaqameed waaya hore la qaadi jirey.
liimadhanaan ld liindhanaan.
liimo ld liin.
liimo-ugunji ld liin-ugunji.
liimo-xaali Liin bambeelmada ka yaryar liin dhanaantana ka waaweyn oo dhadhan macaan leh. ld liin-xaali.
liimonaato Walax budo ah oo la qaso laiskuna qaras bixiyo.
liin 1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.
<< < 964 965 966 967 968 969 970 971 972 973 974 > >>

