Ereyga Maanta: dacarbax
liin-ugunji (bot.) Geed caleemo dhuudhuuban leh, dhala miro kulkulucsan oo midab hurdi ah leh, lana miirto biyaheeda. ld liimo-ugunji.
liinbax (1) Mayrmidda dhar iwm midabkoodu mayrmo marka biyo la geliyo. ld dhiinbax¹.
liinbax (2) Dhar iwm midabkooda dhaqmid marka biyo la geliyo. ld dhiinbax².
liinbixid eeg liinbax². ld dhiinbixid.
liindhanaan Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan dhanaan ah leh. ld liimadhanaan.
liinfoomo 1. (daaw.) Buro daran oo ka baxda qanjirrada liinfada. 2. (daaw.) Kansarka qanjirrada liinfada.
liinmacaan Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan macaan leh; liimo-xaali.
liinxaali ld liimo-xaali.
liiqliiqad ld liiqliiqasho.
liiqliiqasho eeg liiqliiqo. ld liiqliiqad.
liiqliiqi ld liilliiji.
liiqliiqin ld liilliijin.
liiqliiqis ld liilliijin.
liiqliiqo Wax aan si fiican meel u haysan ruxruxasho.
liire (dhaq.) Lacag dalal dhawr ah laga isticmaalo ama laga isticmaali jiray sida dalka talyaaniga.
liis Magacyo badan oo meel ku tixan. ld liisto.
liishaaman Wax nishaaban ahaansho.
liishaamid eeg liishaan².
liishaan (1) Ku aadinta hub la ridayo meel si waanagsan loogu aadiyo.
liishaan (2) Wax shiishid.
liishaannaan eeg liishaaman. ld liishaannaansho.
liishaannaansho ld liishaannaan.
liisto ld liis.
liitir Halbeeg lagu cabbiro hooraha una dhigma 1000 senti mitir oo saddex jibbaaran. ld litir.
liitiyam (kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka I ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
likaaco Hadal jeesjees ah.
likaacoo Ka l.: cid ku jeesjeesid.
likaacood eeg liikaacoo.
likayn eeg likee.
likaysan Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho.
<< < 965 966 967 968 969 970 971 972 973 974 975 > >>