Ereyga Maanta: hoolan
dhamme Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
dhammee 1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iwm laasad. 3. Wax xasuuqid.
dhammow 1. Wax tiradoodu dhantahay noqosho. 2. Wax aan wax ka harin noqosho.
dhamoog (1) ld dhamaajo.
dhamoog (2) ld dhamooq².
dhamoogid ld dhamooqid.
dhamoojee ld dhamaajee.
dhamoojeyn ld dhamaajeyn.
dhamoojo ld dhamaajo.
dhamooq (1) ld dhamaajo.
dhamooq (2) Subag, dhammaajo, dhiiqo iwm wax ku dhoobid. ld dhamoog².
dhamooqee ld dhamaajee.
dhamooqeyn ld dhamaajeyn.
dhamooqid eeg dhamooq². ld dhamoogid.
dhan (1) 1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
dhan (2) Caano cabbid.
dhan (3) Wax aan wax ka dhinnayn ahaansho.
dhan-dabaggaalle Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
dhanaamid eeg dhanaan².
dhanaan (1) Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iwm.
dhanaan (2) Wax dhadhan cusbo leh noqosho.
dhanaan (3) Wax dhadhan cusbo yeelasho.
dhanaanaan eeg dhanaan³. ld dhanaanaansho.
dhanaanaansho eeg dhanaanow. ld dhanaanaan.
dhanaani Wax dhanaan ka dhigid.
dhanaanin eeg dhanaani.
dhanaanis Wax yar oo wax lagu dhanaansado. ld dhanaanin.
dhanaanow Wax dhanaan noqosho.
dhanbalan (kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
dhanballan-bu'eed (kiim.) Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.
<< < 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 > >>