Ereyga Maanta: dabree
nidar 1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.
nidir (1) ld nidar.
nidir (2) 1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tus. “Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo”. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tus. “Cali wuu nidiray”.
nidrid eeg nidir².
nifaaq Wanaag la muujiyo iyadoo xumaan la garsanayo.
nifaas Dhiigga ka yimaada haweenka markay dhalaan kaddib.
niggax (1) ld ningax¹.
niggax (2) ld ningax².
niggaxan ld ningaxan.
niggaxasho ld ningaxasho.
niggaxnaan ld ningaxnaan.
niggaxnaansho ld ningaxnaan.
niggaxo ld ningaxo.
niggixid ld ningixid.
niib (1) Wax adag oo aan la dabooli karin.
niib (2) 1. Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho.
niibaati Fuur ama guf meel daloosha lagu buuxiyo.
niiban 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho.
niibasho eeg niibo.
niibee Badar iwm wax sibxanaya ka dhigid.
niibeyn eeg niibee.
niibid eeg niib².
niibkeen (1) ld nibkeenid.
niibkeen (2) Ka n.: arrin ka guul gaarid. ld libkeen².
niibkeenid eeg niibkeen². ld libkeen¹, libkeenid, niibkeen¹.
niibnaan eeg niiban. ld niibnaansho.
niibnaansho eeg niibnow. ld niibnaan.
niibo 1. Ku n.: wax meel daloosha ku buuxsasho. 2. Dhegaha n.: xayawaan aad u ordid. 3. Dhego furaysasho.
niiboobid eeg niibow². ld niibow¹.
niibow (1) Ka sibxashada ay wax sibxadaan laba gacmood dhexdood iwm. ld niiboobid.
<< < 1132 1133 1134 1135 1136 1137 1138 1139 1140 1141 1142 > >>