Ereyga Maanta: dhaawanaan
qaflanaansho ld qaflanaan.
qaflasho eeg qaflo².
qaflid eeg qafal.
qaflo (1) ld qaflad².
qaflo (2) Ciyaar dubno labada dhinac ka xirasho iyada oo aan dhagax kale la gelin.
qafro ld qorfo.
qahar (1) Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iwm oo la qabto. ld qaxar¹.
qahar (2) Cid dhibaato gaarsiin.
qahraan 1. Q. ah: qof dhibaato badan. 2. Qof dhibban oo talo ku barraahsatay. ld qaxraan.
qahran Qof la qahray ahaansho. ld qaxran.
qahranaan eeg qahran. ld qahranaansho, qaxranaan, qaxranaansho.
qahranaansho ld qahranaan.
qahrid eeg qahar². ld qaxrid.
qahwe ld qaxwe.
qajaaful ld qanjaaful.
qajaar Miro yaryar oo cagaaran oo qudaar ahaan loo cuno.
qajac Qaniis.
qajajac Hadal badan oo aan macne lahayn.
qajeel (1) 1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tus. “Qajeel buu yimaadaa”.
qajeel (2) Wax rajo ka qabid.
qajeelid eeg qajeel².
qal (1) Labada fuq ee afka middood; daan.
qal (2) 1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
qal-aboodi Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).
qalaad (1) Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.
qalaad (2) Orgi qooqan ciyid.
qalaadid eeg qalaad².
qalaamaanyo Nafley aan nooc wada ahayn oo wada jirta. ld qalamaanyo.
qalaanqal (1) Qas; qulqulad; wareer.
qalaanqal (2) 1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.
<< < 1169 1170 1171 1172 1173 1174 1175 1176 1177 1178 1179 > >>