Ereyga Maanta: qaldhow
qamisnaan eeg qamisan. ld qamisnaansho.
qamisnaansho ld qamisnaan.
qamiso Awr qamis gashasho (qof).
qammaac (1) Buuq; yulqan.
qammaac (2) Buuq ama yulqan badan sameyn (cid).
qammaacid eeg qammaac².
qammaad (1) 1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo. 4. ld qammaadid.
qammaad (2) 1. Harraad, gaajo iyo daal badan la miyirdoorsoomid. 2. Ka q.: wax sameyntooda ama meel mariddeed ka wareegid.
qammaadi 1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.
qammaadid eeg qammaad². ld qammaad¹ (4).
qammaadin eeg qammaadi.
qammaadsan Harraad, gaajo iyo daal awgii wax la miyirdoorsoomay ahaansho.
qammaadsanaan eeg qammaadsan. ld qammaadsanaansho.
qammaadsanaansho ld qammaadsanaan.
qammaamiir ld qammaamuur.
qammaamuur Ragga intiisa qiimaha iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda. ld qammaamiir.
qammi ld hammi¹.
qamuunyeeysan Wax ciil iyo caro awgeed bushimaha la qaniinaaya ahaansho.
qamuunyeysnaan eeg qamuunyeeysan. ld qamuunyeeysnaansho.
qamuunyeysnaansho ld qamuunyeysnaan.
qamuunyo Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
qamuunyoo Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
qamuunyood eeg qamuunyoo.
qamuuri Wax dedid.
qamuurin eeg qamuuri. ld qamuuris.
qamuuris ld qamuurin.
qamuursan Wax la deday ahaansho.
qamuursanaan eeg qamuursan. ld qamuursanaansho.
qamuursanaansho ld qamuursanaan.
qan Jurmi.
<< < 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 1187 1188 1189 1190 > >>