Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: miryaadis
sarfe (nax.) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samay-sankooda iyo xagga isrogroggooda.
sargaal 1. Qof madax ah oo maamul dawladeed haya. 2. Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo xiddigo leh. ld sarkaal.
sargaan Ul yar oo dhuuban. ld sarwaan.
sargad Ul yar oo badanaa qoyan. ld serged.
sargadayn eeg sargadee. ld sergedeyn.
sargadaysan Wax ul yar lala dhacay ahaansho. ld sergedeysan.
sargadaysnaan eeg sargadaysan. ld sargadaysnaansho, sergedeysan, sergedeysnaansho.
sargadaysnaansho ld sargadays-naan.
sargadee Nafley ul yar la dhicid. ld sergedee.
sargaf Hilib saafan oo la dubay; naas.
sargo' Ku s.: wax, wax kale la jin ah noqosho.
sargo'an Ku s.: wax, wax kale la jin ah ahaansho.
sargo'i Ku s.: wax, wax kale la jin ah ka yeelid.
sargo'id eeg sargo'.
sargo'in eeg sargo'i.
sargo'naan eeg sargo'an. ld sargo'-naansho.
sargo'naansho ld sargo'naan.
sargoo Ku s.: wax, wax kale cabbirkiisa la ekeysiin.
sargoosasho eeg sargooso.
sargooso Ku s.: wax, wax kale ku jimaysasho.
sargoyn eeg sargoo. ld sargoys.
sargoys ld sargoyn.
sarid eeg sar². ld sarniin.
sariibad Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
sariir 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
sariirasho eeg sariiro.
sariiro Wax tafid.
sarin Geed faalala oo laamo dhaadheer iyo caleemo yaryar leh oo geelu daaqo.
sarkaal ld sargaal.
sarkadhaban 1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.
<< < 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 1322 1323 1324 > >>