Ereyga Maanta: dheg
sharqar (2) ld sanqar².
sharqartirad ld shanqartirasho.
sharqartirasho ld shanqartirasho.
sharqartiro ld shanqartiro.
sharrax (1) 1. Alaabooyin yaryar oo guryaha lagu qurxiyo. 2. (-xyo, m.dh) Qori lagu celiyo shukaanta markabka.
sharrax (2) 1. Qalab meel ku qurxin. 2. Cid jago sare in loo doorto u magacaabid.
sharraxaad Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iwm. ld sharra-xid.
sharraxan 1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho.
sharraxid eeg sharaax². ld sharra-xaad, sharrixid.
sharraxnaan eeg sharraxan. ld shar-raxnaansho.
sharraxnaansho ld sharraxnaan.
sharrib (1) Jarrib; tijaabo; holis; baxnaanis. ld shirrab¹.
sharrib (2) 1. Wax qabashadooda isku dayid. 2. Wax tijaabin. ld shirrab².
sharribaad 1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo. ld sharribid.
sharriban (1) Wax la sharribay noqosho. ld shirraban¹.
sharriban (2) Wax la sharribay ahaansho. ld shirraban².
sharribasho eeg sharribo. ld shirrabasho.
sharribid eeg sharrib². ld sharribaad, shirrabaad, shirrabid.
sharribmid eeg sharriban¹. ld shir-rabmid.
sharribnaan eeg sharriban². ld sharribnaansho, shirrabnaan, shirrab-naansho.
sharribnaansho ld sharribnaan.
sharribo Wax waxtar-kiisa, kartidiisa iwm hubsasho. ld shir-rabo.
sharrif Cid xushmayn.
sharrifid eeg sharrif.
sharriir ld shariir.
sharrixid ld sharraxid.
sharuur Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.
sharxid eeg sharrax². ld sharaxid, sharixid.
shataar (1) Sh. ah: qof arrimihiisa ganacsi fulin og oo xeelad iyo baraarugsanaan daran wax ku meel marsada. ld shitaar¹.
shataar (2) Arrin si shataaradi ku jirto u fulin. ld shitaar².
<< < 1341 1342 1343 1344 1345 1346 1347 1348 1349 1350 1351 > >>