shiqib Qof xun oo nasiib daran.
shir (1) 1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.
shir (2) Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.
shir (3) 1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dhee-lid.
shiraac (1) 1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. ld shiraaq.
shiraac (2) Wax shiraac ku daboolid.
shiraacasho eeg shiraaco.
shiraacid eeg shiraac².
shiraaco 1. Shiraac fidsasho. 2. Meel ka tegid.
shiraako 1. Hanti dad badan ka dhexeysa. 2. Sh. ah: dad dani ka dhexeyso oo leh heshiis qoran dhib iyo dheefna wa-daaga. ld shuraako.
shiraakoobid eeg shiraakow. ld shuraakoobid.
shiraakow Shiraako noqosho. ld shuraakow.
shiraanshirix Lafo yaryar oo carjaw ah oo kala goysyada addimada iyo cumaacumta cagta ku yaal.
shiraaq ld shiraac.
shirad ld sharad¹.
shiran Wax la shiray ahaansho.
shiratamid ld sharatamid.
shiratan (1) ld sharatamid.
shiratan (2) ld sharatan².
shirayn eeg shiree. ld shirays, shiro.
shirays ld shirayn.
shiraysad ld shiraysasho.
shiraysasho eeg shirayso. ld shiraysad, shiraysi.
shiraysi ld shiraysasho.
shirayso Neef shiro u qalasho.
shirbi Neef irmaan oo ido ah lisid.
shirbid eeg shirib².
shirbin eeg shirbi.
shirbo Ciyaar hees iyo sacab leh oo la tumo munaasabadaha aroosyada.
shiree Neef shiro ahaan u qalid.
<< < 1350 1351 1352 1353 1354 1355 1356 1357 1358 1359 1360 > >>