Ereyga Maanta: olmon
shuruglow Qof la baasaysto oo la aaminsanyahay in uu balaayo wato.
shuruuc eeg sharci¹.
shuruud 1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).
shuruudla'aan Shardi ku xirnaan la'aan.
shushub (1) 1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iwm oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.
shushub (2) 1. Maro iwm dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin.
shushuban Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.
shushubasho eeg shushubo.
shushubi Maro, daah iwm shushub u yeelid.
shushubin eeg shushubi. ld shu-shubis.
shushubis ld shushubin.
shushubnaan eeg shushuban. ld shu-shubnaansho.
shushubnaansho ld shuhsubnaan.
shushubo 1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.
shushubsad ld shushubsasho.
shushubsan maro, daah iwm wax shushub loo yeelay ahaansho.
shushubsanaan eeg shushubsan. ld shushubnsanaansho.
shushubsanaansho ld shushub-sanaan.
shushubsasho eeg shushubso. ld shushubsad.
shushubso Maro, daah iwm shushub u yeelasho.
shuuci Qof raacsan madba'a shuuciyadda.
shuuciyad Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka wax soo saarka ay dawladdu gacanta ku hayso. ld shuyuuciyad.
shuuf Wax ama qof ilaalin ama fiirin.
shuufid eeg shuuf.
shuun (1) Timo ka soo baxa gumaarka dadka; bisqin; bisqan.
shuun (2) Boqorradda shinnida.
shuunley Gumaarka dadka.
shuuq 1. Awr, abeeso iwm cod aan qeexnayn bushimaha oo is haysta ka soo saarid. 2. Wax weynaa yaraansho.
shuuqid eeg shuuq.
shuuqsasho eeg shuuqso. ld shuuqsi.
<< < 1358 1359 1360 1361 1362 1363 1364 1365 1366 1367 1368 > >>