xilagube Nin ooridiisa u daran.
xilasho eeg xilo².
xilbax1 ld xilbixid. xilbax2 Waajib qof saarraa si fiican u gudasho. xilbixi Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
xilbixid eeg xilbax². ld xilbax¹.
xilbixin eeg xilbixi.
xildhibaan 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
xildiid Xabag midab dambar-cad ah, ur silloon iyo dhadhan kharaar leh oo daawo ahaan loo isticmaalo.
xilfe Nagaar la beero, oo iniino yaryar, oo dhirta dawada ka mid ah.
xilid eeg xil².
xilkas 1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
xilkasnimo Xilkas ahaansho.
xillad Kal; waqti.
xilli1 1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur. xilli2 (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed. xilo1 Haweenka la qabo; oori; afo; maranti; naag. xilo2 U x.: wax dan moodid; wax u iilasho, wax u eexasho. xiloodi 1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.
xiloodin eeg xiloodi.
xilqaamid eeg xilqan². ld xilqaan¹.
xilqaan1 ld xilqaamid. xilqaan2 Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid. xilqabeen Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
xilqo Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
xiltir1 ld xiltirid. xiltir2 Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid. xiltirid eeg xiltir². ld xiltir¹.
xilwareejin La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
xilyaxyax Ceeb weyn; bayuur.
page : 1555 of 1584
<< < 1550 1551 1552 1553 1554 1555 1556 1557 1558 1559 1560 > >>