dhulballaarsashold dhulballaarsi.
dhulballaarsiQabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. ld dalballaarsi, dhulballaarsad, dhulballaarsasho.
dhulbarXarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.
dhulbarafDhul baraf si joogto ah u fadhiyo.
dhulbareld dhulbar.
dhulcawseedDhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.
dhuldhac11. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. ld dhuldhicid.
dhuldhac2Jirro culus awgeed la kici waayid (qof).
dhuldhicideeg dhuldhac². ld dhuldhac¹ (3).
dhulfidsiDhulballaarsi.
dhulfiiqQof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
dhulgariir1Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir2(jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
dhulgoosadHab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. ld dhulgoosi.
dhulgoosild dhulgoosad.
dhulgoyn(jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
dhuljarid(jool.) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
dhulkasoofuurBoqoshaa.
dhullaaweQof aan waddan lahayn.
dhullaxKasoobbax yar. ld dhullux.
dhulleyDad dhul ballaaran leh.
dhulluxld dhullax.
dhulmadld dhulman.
dhulmanQolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. ld dhulmad.
dhulmareen1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
dhulqaadashoeeg dhulqaado.
dhulqaadoU dh.: wax u adkaysasho.
dhulqabadld dhulqabasho.
dhulqabashoeeg dhulqabo. ld dhulqabad.
dhulqaboSi fudud dhaqan ugu barasho.
<< < 153 154 155 156 157 158 159 160 161 162 163 > >>