Ereyga Maanta: maraqsan
digniin1ld digid.
digniin21. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
digniin kamadambeys ah(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.
digniinshold digid.
digo11. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo21. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iwm hadal lafajebis ah ku dhihid.
digooDigo dhigid (xoolo, ugaar iwm).
digoodeeg digoo.
digri1(dii.)Qasaa'id diini ah oo ay qaadaan wadaaddada dariiqooyinka; xadro. ld digriyid.
digri2(dii.) Digri qaadid (wadaad dariiqo).
digrii1Darajo.
digrii21. (fiis.) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqr.) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa.
digriyideeg digri². ld digri¹, dikri¹, dikriyid.
digsiWeel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.
digtoon1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).
digtoonaaneeg digtoon. ld dig- toonaansho.
digtoonaanshoeeg digtoonow. ld digtoonaan.
digtoonow1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.
dihashoeeg diho. ld dahasho, dohasho.
dihin1. Wax aan weli la lisin ahaansho (xoolo). 2. Wax aan weli sidii la rabay looga faa'iidaysan ahaansho (dhul). ld dahan.
dihnaaneeg dihin. ld dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
dihnaanshold dihnaan.
dihoIlmo dhashay kalgacal u muujin. ld daho, doho.
diibUr udgoon.
diibaajiLacag yar oo horumarin ahaan qof wax uu iibsaday ka dhiibo. ld deebaaji, dibaaji.
diibsadld diibsasho.
diibsashoeeg diibso. ld diibsad, diibsi.
diibsild diibsasho.
diibsoDiib marsasho (qof).
diidCodsi, amar, siismo, iwm ku gacan sayrid.
<< < 168 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 > >>